FARIIMO JACAYL AH OO LAGU SALEEYAY DHACDOONYINKA DHABTA AH EE DHEX MARA DHALIN YARADU MARKA AY HAASAAWAHA KU JIRAAN
Jacaylku ma ahan wax ku cusub aduunka mana ahan wax lal yaabo waana shay qaali ah waxaana u malaynayaa dadka waxaa ugu nasiib badan qofkii la jeclaado
Fariimo jacayl oo calaacal ah
Wllo mcn maxaa dhacay ma miyirkaa lagaa maray , ma ilowday wacadkii , maxaadse beenta intaas leeg igu sheegaysay oo aad u dayacday jacaylkii inoo dhexeeyay.
Mcn maxaad uga dhigtay ubixii aynu mudada dheer kusoo rafaadnay barbaarintiisa mid aan sal iyo baartoona lahayn. !!!!
ogow maalmaha aduunyada
ninba waa markiisee
hadaad maantay goysana
markaygaan kusugayaa
Hadii aad i xumaysay waxba kama qabo ilaahay ayaan talo saaranayaa lakiinse waxaad ogaataa inaan ku jaclahay waqti kasta oo aan kusoo xasuustona cidloyaan dareemaa markasaan kaligay iska ooyaa …
Walaal waa aduun xaalkii waxaana horay loo yiri (samra sadkiisa waa helaa ) hada wixii ka danbeeya waa anigiyo ayaankey adigiyo dadaalkaa balse ogow in aadan wanaag samaynin oo mar ay ahaataba lagaa gudi doono danbiga aad iga gashay waxaana sugayaa waqtigeeda . waayaha aduunyadu wax kastay kubarayaan , walbahaar iyo wareer waa astaanta u gaarka ah , balse waxaa ka badbaadey samir ruuxi yeeshoo u dulqaata wax kasta oo soo wajaha , waana xaal aduuny oo mar uu buu ka baxayaa .
fariimo jacayl oo daadis ah
wiil ayaa gabar warqad jacayl ah u soo qortay oo yiri : katimid : qalbi wax jacayl
kusocota : qalbi la jecel yahay
xaashidaan waxaa qoray
nin la xaday xiskiisoo
xubbi aad u qara weyn
xubnihiisa uu galay
xagga ay ku socotana
waa gabar xishoodkiyo
xushmadaba taqaanoo
xaashay la jecel yahay
marka hore iga gudoon salaan la isu diro tan ugu qiimo iyo qaayo badanoo kaaga soo go’day qalbi furan, niyad faraxsan iyo naf kuu ooman intaas kadib :
beeka iyo wadnaha
bogaad iiga taalaa
waa kuu bukaayoo
waxaan baadi goobaa
bidhaantaada wacanee
indhuhu ay la ooyaan…
ugu damayntii u jeed kaygu waxa uu yahay walaal waxaan ahay qof si daacad ah kuu jecel waxaana doonayaa in aad wax la qabato .
jawaabtii gabadha
katimid : qalba ay naxariistii waa hore ka guutay
ku socota : qalbi waali iyo wareer u dhexeeya
xaashidaan waxaa qortay
gabar uu xishoodkiyo
xididkii naxariista
gebi laga xayuubshoo
aan xiiso kuu hayn
xaga ay ku socotana
waa wiil xujooboo
xidigaha is mariyay
idhagayso wiilyohow oo si fiican hadal kaygu hakuu galo
waayaha aduunyada subaxdii soo guduutaba wax cusub baa la arkaa , saakay ma waSxaad iila timid waan ku jecelahay , waan kuu dhimanayaa , la’aantaa manoolaan karo iyo wax aan lagaranayn , ruuxyohow hadii aad qarweyso waa ku kaligaa , hadiise aad waalan tahay quraan uun baa kuu dawo ah .
hadii aad wanaag doonayso ha iila iman irimahaas qafiifka ah oo waalida aan waxba dhaamin , waayo waa arin aan ku haboonayn dhegaha qof damiir leh oo wax garad ah .
Fariin jacayl oo codsi ah
naftu waxay ku nagaataa halkey naawilayso , kuma noolaan karto meel aan naxriisi u oolayn ,
nacab iyo jacay
niyadaba u kala roon
nabar aan filayn baa
nafta iiga beedhoo
naxli kama shaqaynine
aan wadaagno caashaqa
waxaan ahay ruux kuu ooman waxaana la liitaa jacayl aan kuu qabo waxaana dareemi kartaa heerka uu gaarsiisan yahay , runtii uma malaynayo jacaylka aan kuu qabo in aan yahay mid qof bini aadam ah lagu daawan karo waayo bartamaha habeenkii kama bogto hurdada oo boga iyo wadnaha beerkaad buul ku leedahay , biyaha aan cabaayiyo baadka aan cunaayona bilaahan ku dhaartay bidhaantaadaa iiga roon .sidaa daraadeed walaal waxaan kaa codsanayaa in aad I fahanto oo culayka isran ee aan kaliga ku ahay iga qafiifiso , ogow in aad tahay qof noloshayda ku dhex beeran oo marna aad kaa maarnin .
Post a Comment