-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

Faa'idooyiinka Caafimaad Ee Saliida Qalin Furka..

 


 yaqaan Cloves, kaasoo ka baxa wadanka Zanzibar. Dhagayaraha waxaa antibiotic ama xanuun baabiye aad u fiican. Waxaa loo adeegsadaa in lagu daaweeyo dhibaatooyin badan oo dhanka caafimaadka ah sida ilko xanuun, hargabka, asmada, madax xanuunkastress-ka iyo nadiifinta dhiigga.
Dhaga yaraha waxa uu qani ku yahay curiyaha kalshiyaam, birta,  phosphorus, sodyam, potassium, fitamiin A iyo fitamiin C.

Faaidooyinka caafimaad ee saliida dhaga yaraha (eugenol or clove oil)

Daryeelka ilkaha: Saliida dhaga yaraha waxaa loo adeegsadaa daaweynta ilkaha, Waxay wax ka tartaa ilko xanuunka, cirrid xanuunka boogaha afka, cuncunka iyo xanuunka cunaha. Sidoo kale saliida dhaga yaraha waxay caawisaa baabi’inta af qurunka/ af shiirka. Waxaad la heli karaa saliida dhaga yaraha oo ka samaysan dawada lagu cadaysto iyo tan lagu luqluqdo.
Daryeelka maqaarka: Saliida dhaga yaraha waxa loo adeegsadaa daawaynta qaar ka mid ah dhibaatooyinka maqaarka sida finanka.
Difaaca jirka: Dhaga yaraha iyo saliidiisa waxay xoojiyaan difaaca jirka, waxaa ku jira maadooyin ka hortaga fayruska. Saliida dhaga yaraha waxay nadiifisaa oo sunta ka saartaa dhiigga taasoo kor u qaada in jirku uu iska caabiyo cudurro badan gaar ahaan kuwa wadnaha iyo noocyo ka mid ah kansarka.
Dheefshiidka: dhaga yaraha waxaa lagu daaweeya dheefshiid xumada sida shubanka, calool istaagga iyo bakteeriyada caloosha.
Madax xanuunka: Hadii la isku daro saliida dhaga yaraha iyo xoogaa cusbo ah kadibna la mariyo foodda way dejisaa wayna baabi’isaa madaxa xanuunka.
Jeermiska: Saliida dhaga-yaraha waxay dishaa bakteeriyada, waxaa lagu nadiifiyaa dhaawacyada, fagaska gala faha dhexdooda, Isnadaamiska (Scabies) iyo nabraha.
Biyo baxa degdega ah: Waxaa jira daarasado muujiyay in saliida dhaga-yaraha ay u wanaagsan tahay daaweynta biyo baxa degdega ah
Dhibaatooyinka neefta: Saliida dhagayaraha waxaa loo adeegsadaa in lagu nadiifiyo sanka, waxa lagu daaweeyaa qabowga, asmada boronkiitada iyo qaaxada.
Faaidooyinka kale ee dhaga yaraha waxa ka mid ah, ka hortagga kansarka iyo inuu sonkorta dhiigga hoos u dhigo.
Post a Comment

Post a Comment