-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

heeso : heesihii Khadro Cumar Dhuule Oo Qoraal Ah



Khadro Cumar Dhuule Heeso Qoraal ah Oo xul ah


maanta waxaan rabnaa inaan idinla wadaagno heeesaha fanaanada caanka ah ee Khadro Cumar Dhuule gaar ahaan kuwooda xulka ah.

Khadro Cumar Dhuule iyo qoyskeedaba waxay hibo u leeyihiin fanka Soomaaliyeed Waxayna caan ku yihiin heesaha macaan ee jaceylka ah. Khadro oo ah gabadha oo uu dhalay fanaanka weyn ee Cumar Dhuule Cali (Cumar Mahdi) AUN oo ahaa fanaan aad loo jecelyahay maantana booskiisa waxaa badalay caruurtiisa.

Fanaan Dhuule wuxuu caan ku ahaa heeshaa qaaciga, garaacida kabanka gaar ahaaan nuucyada loo yaqaano „Cuudka” Saarida laxanka, abuurista halabuur, sameynta shekooyinka iyo majaajilada. Habeynta ruwaayadaha iyo guud ahaan ka qeyb qaadashada Fanka Soomaaliyeed.

Cumar Dhuule Cali wuxuu kamid ahaa fanaaniintii dalka ka baxay markii uu dalka galay dagaaladii sokeeye. Waxa uu iska degay wadanka Suuriya kadibna waxa uu u soo gudbay wadanka Iswisarland gaar ahaan magaalada Jenefa.


Khadro Cumar Dhuule: Heestii Dood Oo Qoraal Ah

Dood kulma wadi karo

Daacad baan ahaayoo

Daarteydaan dhax joogee

Dulmi baad igu haysee

Dambi baad iga qaadee

Dood kulma wadi karo

Daacad baan ahaayoo

Daarteydaan dhax joogee

Dulmi baad igu haysee

Dambi baad iga qaadee

Dookheyga doqonkee

Kaa doortay dunidee

Adba ima daryeeshidee

Maxaan kugu daalaa

Dookheyga doqonkee

Kaa doortay dunidee

Adba ima daryeeshidee

Maxaan kugu daalaa

Daawo kaama doonee

Duurkaad igu daysayee

Dugaagaan la daris ahaye

La daris ahyee

Daawo kaama doonee

Duurkaad igu daysayee

Dugaagaan la daris ahaye

La daris ahayee

Dood kulama wadi karo

Dood dood kulama wadi karo

Dartaadaan u oomoo

Dadkaygii u diideee

Dunnidii ku seegee

Danba iima haysidee

Dartaadaan u oomoo

Dadkaygii u diideee

Dunnidii ku seegee

Danba iima haysidee

Dab aan ani ku joogaa

Waligii dam’ee noo

Laygu daaray kaligey

Dagaal igu hayee

Dab aan ani ku joogaa

Waligii dam’ee noo

Laygu daaray kaligey

Dagaal igu hayee

Daawo kaama doonee

Duurkaad igu daysayee

Dugaagaan la daris ahaye

La daris ahaye

Daawo kaama doonee

Duurkaad igu daysayee

Dugaagaan la daris ahaye

La daris ahayee

Dugaagaan la daris ahaye

La daris ahayee

Dugaagaan la daris ahaye

La daris ahayee

Dugaagaan la daris ahaye

La daris ahayee

Dugaagaan la daris ahaye

La daris ahayee

Xul 2. Khadro Cumar Dhuule: Heesta Kalgacaylku Waa Gobe Oo Qoraal ah

Kalgaceylku waa gobee

Wadnahaaga goor horee

Mar haduu ka gaagaxay

Oon gobooy kugu harin

Aniga keyga kamaa gudhin

Mana aha  mig guuree

Geedkaa malaha weeyaan

Adigiyoo garaadkaa

Nabsi iyo go’aankii

Siduu aniga ii galay

Ama la iigu guud furay

Ma gam’o daraadaa

Hurdo weeyga guurtey

Waa adigii garkaygiyoo

Gundahayga haystee

Marse hadaan gunuunacay

Gaba danaada ha ii dhigin

Adigiyoo garaadkaa

Nabsi iyooo go’aankii

Adigiyoo garaadkaa

Nabsi iyooo go’aankii

Nabsi iyooo go’aankii

Nabsi iyooo go’aankii

Xul 3. Khadro Cumar Dhuule: Heesta Uroonaw Naftaydiyo Oo Qoraal ah

Uroonaw naftaydiyoo

Ka roonaw raggoo idil

Rabi ha isku keen simo

Runtii adigaa I horjoogo

Dartaa hurdada ma lado, oo

Rafaad baan jaceyl la maray

Ka reeb baan nafteydu idhi

Rugtii caashaqay u ooydaye

Aroos loo riday rabtaa

Riyaaqqow waaan rumeystee

Raggana adaa iiga muuqdee

Rabi raaliyaa ku idhi

Reerkeygu weey rabaan

Inaan raaxo aan galnee

Caruurteena dheeliyaan

Run iyo been kala rug weeyee

Rafaad badan nooma roonee

Rumee caashaqeena reemaa

Reexaantii nafteydiyoo

Leedha ani aan raboodaba

Xagaagay ka soo rogtaa

Ha raac-raacin duul kale

Raadinaaya reer dumee

Raadkeena yeey rogin

Riyadu hay noo rumowdee

Rajadu hay noo ahaatee

Siduu Alle nooga yeelee

Xul 4. Khadro Cumar Dhuule: Heesta Waan Kari Waayay Oo Qoraal Ah

Kaftan baan u mooday jacaylka

Kar-karay intii la doono

Kari waayay!

Waan kari waayay!

Kaskeygaan ku doontay jacaylka

Kibirkiisaan ka reysan la’ahay

Kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan u mooday jacaylka

Kar-karay intii la doono

Kari waayay!

Waan kari waayay!

Kaskeygaan ku doontay jacaylka

Kibirkiisaan ka reysan la’ahay

Kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Waan kari waayay

Kashka iyo laabta ka ooyay

Kali baan ahay

Sahal kale ma haysto

Kari waayay

Waan kari waayay

Taah iyo kuleyl ka dhowr baan lahaa

Kool-kooli kor u qaad baan lahaa

Kari waayay

Waan kari waayay

Kashka iyo laabta ka ooyay

Kali baan ahay

Sahal kale ma haysto

Kari waayay

Waan kari waayay

Taah iyo kuleyl ka dhowr baan lahaa

Kool-kooli kor u qaad baan lahaa

Kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Waan kari waayay

Kobci baan lahaa kalgacaylka

Kaadsiimo u kori baan lahaa

Kari waayay

Waan kari waayay

Kaalay ila kaasho jacaylkaan abowe

Kol uun iga kaafi kan ka kari waayay

Waan kari waayay

Kobci baan lahaa kalgacaylka

Kaadsiimo u kori baan lahaa

Kari waayay

Waan kari waayay

Kaalay ila kaasho jacaylkaan abowe

Kol uun iga kaafi kan ka kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Waan kari waayay

Waan kari waayay

Waan kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Baranba dhadha

Baan lahaa

Baranba dhadha

Baan lahaa

Ba badhaa

Waan kari waayay

Baranba dhadha

Baan lahaa

Baranba dhadha

Baan lahaa

Ba badhaa

Waan kari waayay

Kaftan baan lahaa

Baan lahaa

Alla baan lahaa

Baan lahaa

Hadana kari waayay

Waan kari waayay

Baranba dhadha

Baan lahaa

Baranba dhadha

Baan lahaa

Ba badhaa

Waan kari waayay

Baranba dhadha

Baan lahaa

Baranba dhadha

Baan lahaa

Ba badhaa

Waan kari waayay

Xul 5. Khadro Cumar Dhuule: Heesta Wiilyahow Nadaa Oo Qoraal ah

Wiilyahow nadaa

War hooy nadaa

Warba nooma haysidee

Nadaa war hooy nadaa

Macaana macaanow

Waa adigaan idiidee

Waxba iima soo wadidee

Wacadkaan lahayniyoo

Warankii dhaxdeenaa

Wali dhowrayaa warsanow

Weedhaada wacanbaa

Waxtar ii ahaydoo

Waad iga weecateyee

Wadnaheyga walwalbaa

Waayahaan wareersho

Walaalow ha i waalinee

Macaana macaanow

Waa adigaan idiidee

Waxba iima soo wadidee

Wacadkaan lahayniyoo

Warankii dhaxdeenaa

Wali dhowrayaa warsanow

Weedhaada wacanbaa

Waxtar ii ahaydoo

Waad iga weecateyee

Wadnaheyga walwalbaa

Waayahaan wareersho

Walaalow ha i waalinee

Walwal iyo walbahaar

Wareer iyo walaacbaa

Wadadii sii haayaa

Waali baad iigu wadaaa

Wallee warba iima haysidee

Walwal iyo walbahaar

Wareer iyo walaacbaa

Wadadii sii haayaa

Waali baad iigu wadaaa

Wallee warba iima haysidee

Waxyaraan ku waayaa

Walbahaar la ooyaaa

Wiilyahow kuu warameee

Waqalkaygii baa tahay

Cadow bay nakala waday

Isla weynidaan iga daa

Waaba yaaboo

Waxaa laygu maagee

Warka laygu soo diraye

Maalmahaanba waaye

Waqtigay nakala waday

Yeeynu kala waramay

Waxyaraan ku waayaa

Walbahaar la ooyaaa

Wiilyahow kuu warameee

Waqalkaygii baa tahay

Cadow bay nakala waday

Isla weynidaan iga daa

Waaba yaaboo

Waxa laygu maagee

Waakan laygu soo diraye

Maalmahaanba waayee

Waqitaa nakala waday

Yaa inoo kala waramay

Walwal iyo walbahaar

Wareer iyo walaacbaa

Wadadii sii haayaa

Waali baad iigu wadaaa

Wallee warba iima haysidee

Walwal iyo walbahaar

Wareer iyo walaacbaa

Wadadii sii haayaa

Waali baad iigu wadaaa

Wallee warba iima haysidee

Waanada ma doonee

War kale ma qaatee

Adiga uunbaa ila weyn

Wax kastoo la sheegiyo

Wixii kastoo la ii wado

Kaa dooran mayo weligay

Waagii guduudataba

Warkaagaan ku toosoo

Waayahaa I weerweeraye

Warsamow ha ii wiiqine

Markaan uun wax ila qabo

Weedhaada xun iga daa

Waanada ma doonee

War kale ma qaatee

Adiga uunbaa ila weyn

Wax kastoo la sheegiyo

Wixii kastoo la ii wado

Kaa dooran mayo weligay

Waagii guduudataba

Warkaagaan ku toosoo

Waayahaa I weerweeraye

Warsamow ha ii wiiqine

Markaan uun wax ila qabo

Weedhaada xun iga daa

Walwal iyo walbahaar

Wareer iyo walaacbaa

Wadadii sii haayaa

Waali baad iigu wadaaa

Wallee warba iima haysidee

Walwal iyo walbahaar

Wareer iyo walaacbaa

Wadadii sii haayaa

Waali baad iigu wadaaa

Wallee warba iima haysidee

Wiilyahow nadaa

War hooy nadaa

Warba nooma haysidee

Nadaa war hooy nadaa

Wiilyahow nadaa

War hooy nadaa

Warba nooma haysidee

Nadaa war hooy nadaa

Dhamaad

Heesaha fanaanada codka macaan ee Khadro Cumar dhuule kuma koobno intaan oo kaliya ee waxay jiro heeso kale oo ay qaaday balse kaga hadli doono qeybaha kale ee soo socdo.

Post a Comment

Post a Comment