-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

Shirka Golaha wasiirada Puntland oo looga hadlay sida Doorasho Tijaabo ah oo dhici doonta saddex degmo.


Shirka Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha
Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uuna ku wehelinayey Madaxweyne ku
xigeenka puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay
Amniga, Warbixinta Wasaaradaha ee bishii July, Xeerka iyo Siyasadda Maalgashiga, Tayeynta
Waxbarashada iyo Warbixino kale.

Amniga:
Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixisay xaaladda Amni ee Puntland oo ah mid aad u wanaagsan

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Sarkaalkii ku dhintay Hadaaftimo, bogaadiyeyna sida ay Clidamada Qalabka Sida ee Puntland u sugayaan amniga Xudduudaha Puntland.

Warbixinta Billaha ah ee Wasaaradaha DPL:
Madaxtooyada ayaa Golaha Xukuumadda la wadaagtey Warbixinta bishii July ee Wasaaradaha oo  lagu soo bandhigay Waxqabadkii iyo Qorshayaasha Wasaaradaha Dowladda si loola socdo
waxqabadka Wasaaradaha.

Xeerka Maalgashiga:
Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga ayaa Golaha mar kale horkeentay Xeerka iyo siyaasadda Maalgashiga Puntland oo shirkii Golaha Xukuumadda ee 19-aad, Agoosto 8, 2019 dib loogu celiyey, Dood dheer ka dib, Mudanayaasha Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey xeerka oo wax wayn ka beddelidoona Habka Maalgashiga Puntland

Tayeynta Waxbarashada:
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa Golaha la wadaagtey Qorshaha Tayeynta Waxbarashada oo dhinacyo badan taabanaysa. Sidoo kale waxay Wasaaraddu mudnaanta 1-aad siinaysaa qodobo dhowr ah o0 ay ka mid yihiin, Tayeynta Macallimiinta iyo hagaajinta Goobaha
Waxbarashada.

Iyadoo la tixraacayo shirkii hore ee Golaha Xukuumadda, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu magacaabey Guddiga maamuli doona hay'adda, Waxbarashada Farsamada Gacanta oo uu gudoomin dooono Madaxweynuhu, xubnana ay ka
yihiin Wasaaradaha kala ah; Waxbarashada, Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Caafimaadka, Howlaha Guud iyo Qorshaynta.

Warbixino:
Goluhu wuxuu warbixin ka dhegaystay Guddi hoosaadka Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo soo jeediyey waxyaabaha u qorsheysan saddexda bilood ee soo socota. Guddiga ayaa Muhimad gaar ah siinaya arrimo dhowr ah sida Doorasho Tijaabo ah oo ku salaysan Hal-qof Hal-cod kana
dhicidoonta saddex degmo.

Sidoo kale Goluhu wuxuu warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ka warbixisay halka ay marayso Dib-u-habaynta shaqaalaha
Dowladda Puntland.

Hambalyo
Ugu-danbayn, Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa u hambalyeeyey intuu shirku socdey Madaxweynaha markii saddexaad loo doortay Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam una rajeeyey Shacabka Jubbaland iyo madaxdoodaba wadajir, xasilooni iyo horumar.
Post a Comment

Post a Comment