-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

Dowlada Puntland oo ka hadashay Doonyo ku degay Badda Cas


Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Fiqi oo la hadalay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda ayaa ka hadlay doonyo degay oo shixnad uwaday ganacsatada reer Puntland

Mudane Cumar Xasan Fiqi Wasiirku Xigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka ayaa sheegay in Dawladda Puntland muragada la wadaagayso Ganacsatada reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed dhowaan doonyuhu ka dageen.

“Anoo ku hadlaaya magaca Wasaaradda Maaliyadda iyo kan Madaxda sare ee Dawladda Puntland waxaan murugada la wadaagaynaa Ganacsatada dhowaan hantidii ku waayay bada ayuu yiri Wasiir Fiqi”

Mudane Cumar Xasan Fiqi Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa ganacsatada ugu duceeyay in ilahay samir iyo iimaan kan siiyo
“Ganacsatada reer Puntland iyo kuwa Soomaaliya waxaan ilaahay ugu baryay naa in uu badal khayr qaba uu siiyo saburba ay sameeyaa ayuu yiri Wasiirku”

doonyahan ayaa ka soo amba baxay UAE waxana mid ka mid ah ku degay bada KHURFAKAAN oo ka tirasan isutaga imaaraadka,

Doonida labaad ayaa ku degtay KUURIYA MOOYA oo ah biyaha Camaan dhamaana lagu waayay hantidii saarnayd oo u badnaa Gaadiid sida uu xog ku helay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Post a Comment

Post a Comment