-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

Waxyaabaha Sababa Ama Keena Lugo Xanuunka

 


 dhaxeeyo dareen daal ilaa xanuun heerkiisu sareeyo kaasoo qofka u keeni kara ilaa uu yareeyo socodka ama dhaqdhaqaaqa kale ee caadiga ah ba, waxuuna xanuunkani sababi karaa inuu saamayn ku yeesho shaqada iyo wax qabsashada qofka. Lugaha oo xanuuna inta badan waa xaalad caadi ah oo ay sabbabaan daal ama jimicsi la sameeya, waana mid aan u baahnayn taxadar maadama xanuunku si iskii ah u tago. Waxaa kaloo xanuunkani noqon karaa mid yimaada kadib marka xaalado caafimaad ama cuduro ay soo wajahaan lugaha,

Maxaa sabbaba xanuunka lugaha

Luga xanuunka waxaa inta badan sabbaba daal ama jimicsi kuwaasoo aan u baahnayn baaritaan iyo daawayn toona waana kuwo iska suula marka uu qofka nasto kadib. Sababaha kale ee lugo xanuunka waxaa kamid ah markii ay isku soo aruuraan murqaha lugta kuwaasoo adkaada kuna adkaata qofka inuu kala fidiyo lugta/lugaha, xalaadani waa ururka murquha waa mid la arki karayo taasoo ay la socoto xanuun aad u sareeya kaasoo qofku uusan mararka qaar awoodin inuu aamuso. Waxaa badanaa la arkaa xiliga hurdada laga toosayo waliba marka uu qofku isku dayo inuu iskala bixbixiyo una diyaar garoobo inuu tooso waxaa kaloo ay xaaladani dhici kartaa markuu uu qofku fuuqbaxo, daawooyinka qaar ayaa sidoo kale sabbabi kara xaaladaan.
Luga xanuunka waxaa kaloo sababi kara dhaawac soo gaara qaab dhismeedyada kala duwan ee lugaha sida, jiirka murqaha lafaha, iyo neerfayaasha. Xinjirowga ku samaysa xididadan veinska kuwooda hoose ayaa keeni kara luga xanuunka, xanuunada ku dhaca kalagoys yada ayaa sidoo kale sabbabi karaa xaaladaan, xididada lugaha oo waa weynaada, infekshanka, jabitaana, iyo xanuunka sciatica ayaa sidoo kale kamid ah sababaha ay leeyihiin lugo xanuunku.

Daawada 

Inta badan daawada lugo xanuunku waa mid aan u baahnayn in loo tago isbitaal hadii aysan jirin xanuun joogta ah oo ay sababayso ama xaalada caafimaad oo ka danbaysa lugo xanuunka, waana mid lagu daweyn karo guriga, waxay u baahan tahay nasasho, yaraynta jimicsiga iyo dhaqdhaqaaqa, lugaha oo la hoos galiyo barkimo, iska ilaalinta waxyaabaha ku dhagan lugta sida sharabaadada, xanuunka iyo bararka lugaha labadoodaba waxaa u wanaagsan in la joogteeyo saarida barafka waliba maalmaha ugu horeeyo ee la dareemo xanuunka ama bararka lugaha, waxaa haboon in lagu celceliyo marar kala duwan maalintiiba halkii marna loo daawoo barafka toban ilaa iyo shan iyo taban daqiiqo.
Hadii ay ka xanuunayaan qaybta hoose ee lugaha waliba kubka iyo murqaha ka koreeyaba waxaa haboon in aad joogteeyso iskala bixinta ama fididnta lugta qaybteeda hoose sidoo kale aad ku mayro biyo kulul ama qandac ah. Hadii aad xanuunka ka dareemayso qaybta kore ee lugta isku day in adiga oo fadhiya ama taagan aad soo taabato suulashaada tani waxay yaraynaysaa cadaadiska lugta isku day inaad samayso sidaan 10 sikin. Ka hortaga luga xanuunka ayaa ah mid faaido balaaran waxaana ka mid ah in la sameeyo jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo markiiba ugu yaraan 3 beri asbuucii, joogtee lana soco culeyska jirkaaga, jooji cabida sigaarka, la soco heerka cabirka dhiiga iyo xayrta loo yaqaano cholesterol
Post a Comment

Post a Comment