-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

QISO JACAYL OO MURUGO BADAN

 


Qofkasta oo dunida guudkeeda ku nool waxa uu maalin kasta arkayaa arimo uu kufarxo naftii sana hididiilo galiya , rayn rayna kureeba iyo qaar uu kanoxo oo walaac, tiiraayo iyo beer loxowsi ku beera waana sune rabbaani ah in qofkastaahi uu lakulmo.

markan oo kale dadku isku maan, muruq iyo maskax ma aha,  maaraynta ama  latacaalida mushkiladahaa oo kalena kama sina .

Qisadaan soo socota oo ah mid aan casharo badan kabartay aqristow adna

aad kabaran dooto ayaa waxa ay dhexmartay wiil lagu magacabo c/rabi iyo inan somaliyeed oo lagu magacaabo najmo.

C/rabi ayaa iga waramay sida ay wax u dheceen waxa uuna yiri :-

" markii hore waxa aanu iska baranay aaladda facebook-ga xaqiiqdii aniga iyo najmo horay isuma aanan aqoon balse sawirada (photos) ka najmo oo qalbigayga taabtay aadna isoo jiitay ayaakeenay in aan kudarsado kana mid noqdo friends-ka najmo .

nasiib wanaag waqti yar kadib najmo way i aqbashay durbadiiba waxaan guda galay in aan salaan iyo nabdaadin layeesho kadibna waxa aan sii ambaqaadnay waraysigii .

najmo waxa ay iisheegtay in ay waqti dheer raadinaysay kuna raadjoogtay qof qanciya oo ay xariir lawadaagto , waxaa farxad weyn ii ahayd in aan noqonay dad isku magaalo jooga. aniga yaana noqday qofkii ugu horeeyay ee najmo xiirlayeesha ,.

aqristow waxaanu kala qoranay telfonada in badana ayaanu wada hadalay, codkeeda ayaa ahaa mid ay dhegtu aad ugu bogto qalbiguna uu aad ugu khushuuco mcnka iyo wanaaga darteed.

dhafar joogto ah waaga oo nagu baryi jiray iyo fariimo jacayl ah oo aan hawada isku

dhaaf sanayno ayaa sababay in jacalku dhidibo qota dheer ku istaago .

waxa ay iigu darayd habeen kii aan najmo idhahayga saaray waxaadba moodaa qof magaalada kucus waayo iyada oo kale intii aan somalia joga indhayga ma saarin.

message aan had iyo jeer najmo ku xasuusto qalbigaygana sina uga go’

iwaayay ayaa waxa u ahaa sidan :-

Boqorkii ragaad tahay

Baxan aan sugaayiyo

kaan beegsanaayay baad tahay

Bogaygaad kutaalaa

waax yaha jirkaygana

adigaa ku baahdoo                                                                      beerkaygi baatahay

mcnow daraadaa

dareen baa isaaqoo

damiir kaygi taabtee

dibin daabyo iga dhow

dayax soo baxaayoo

mugdigi iyo madowgii

meeshaba kasaaroo

maqnaanayn nin baatahay

naftayduna hubaashii

adigay ku dooratay

kaa daali maysee mcne

adigaan ku daa imin .


Aqristow anga iyo najmo waxaanu ahay dad jacaylka ku xeel dheeraaday oo

aad u gu fogaaday .

14-03-2014 oo aniga ii ahayd habeen aad umadow ifiin meel dheer iga bidhaamaayayna uu iga damay oo aan xubin jirkayga kamid ah waayay ayaa waxa ay ahayad habeenki u najmo abeheed ku khasbay in u meher sado nin da' ahaan aad uga waynaa ase lacag badan reer kooda kaga iib saday,


najmo ayaa iso wac day iyada oo aad u oynaysa waxayna iisheegtay arintaan......!!!

alah najmo.... !! miyad walatay see wax udheceen...

‘alah aduunyad dhib badanaa , imtiyaankedu adakaa , adigaana kuwaayo , aakhiraana majooge ,

alaahow alaahow alaahow sida khayr ...!’  ayuu ahaa hadalkii ugu dameeyay oo najmo mcntaydi ay igu tiraahdo.

najmo telfonkii ayaaba loo diiray oo waxaa halkaas ku yaraaday xisihii iyo

galgacalkii noo dhexeeyay aniguna waxa aay ogaaday oo aan dib u xasuustay mahmaahdi ahayad " wax aan calafkaaga ahayn lama cuno ama lama calmado".

waxaana iiso baxday in jacaylka hortiisa uu yaalo calaf , waana mesha ay dad badina kasoo qaataan in jacalka dhabta ahi u yimaado ama lahelo marka ay labada qof is calfadaan oo ay is guursadaan . anga iyo najmo na waxaa isu kaaya diiday calaf ka " .

Post a Comment

Post a Comment