-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

Dhiig La'aanta Iyo Waxyaabaha Lagu Daaweeyo

 


 ugu daran ee qofka soo wajahi kara, hadii aan laga hortagina waxaa laga yaabaa in ay isu badosho jirooyiin kale, waxyaabaha ugu mihiimsan ee dhiig yarida keena waxaa kamid ah in uu qofka uu ka tago cunooyiinka  fitamiinada iyo macaadinta leh, waxaa lagula talinayaa qof waliba intuusan cudurka dhiig la'aanta ah  aysan ku dhicin in uu ku dadaalo cunooyiinka fitamiinada leh iyo khudaarta noocyadeedii kala duwan .


Qaabka Uu Qofka Isku Daawayn Karo Hadii  Uu Isku Arko Dhiig Yari:

Marka ugu horeysa waxaa lagula talinayaa qofka dhiig yarida haysa in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu ula xiriiro dhaqtarka ugu dhow si uu ugu qoro daawooyiin ku haboon jiradiisii.

Marka labaad: waxaa jira cunooyiin uu qof u isticmaali kahortag ahaan , waxaana kamid ah cunooyiinka fitamiinda leh ee waxtarka uleh dhiig yarida, Liimada noocyadeedii kala duwan gaar ahaan Liimo Dhanaanta, maxaa yeelay liimo dhanaanta waxaa si wayn uga buuxa Fitaminka Loo yaqaano Vitamin C waxaa uuna fitamiinkaani kaalin wayn ka qaataa difaaca iyo ilaalinta jirka.

Sidoo kale waxyaabaha ka hortaga u leh dhiig la'aanta waxaa kamid, Khudaarta noocyadeedii kale duwan, gaar ahaan digirta noocyadeedii kala duwan, Timirta ayaa sidoo kale faa'ido u leh dhiig la'aanta, cabitaanka canabka laga sameeyo ayaa isana sidoo kale ka hortag u ah dhiig yarida.

Sidoo kale waxaa lagula talinayaa qofka dhiig yarida qaba in uu ka fogaado sigaarka iyo waxyabaha maandooriyaasha ah

Post a Comment

Post a Comment