-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

Galinkii hore Ayaa loo fadhiistay Meherkiisa isla Gabal dhiciina ...


Mucalim Xamse Dubad ayaa waxa qiso murugleh ay ku dhacday Maalintii ay Taarikhdu ahayd 13/8/2020 Kadib markii Galinkii Hore ee maalintasi uu Guursaday iska Galinkii dambena ay Walaashi Asiibtay Musiibada Geeridu.

Galinkii Hore ayuu Meherkiisi u fadhiistay Fiidkina Walaashi ayaa geeriyootay.

Hoos Ka Akhriso Qisada sida ay u qornayd

Khamiis ayey ahayd 13/August/2020 galinkii hore waxa qabsoomay munaasibadii meherka aniga iyo xaaskayga Nimco Maxamuud ,wax ay ahayd dareen farxadeed oo ay ehelada iyo asxaabtu ba si heersare ah igu soo tahniyadeyeen yegleelida qoyska cusub.

Maamuulka dunida Ilaahay baa le,e isla maalintaa fiidnimadeedii ayey dunida ka guurtay una hoyatay gurideedii rasmiga ahaa oo numberkiisu yahay 2811 walaashay Hudda Dubbed IHUN iyadoo wad mooyee xanuun la sheego aanu hayn الله وإنا إليه راجعون balse waa xaq iyo xukun Alleh in kasta oo dhif iyo naadir tahay in qoys arimahini ku kulmaan wakhti kaliya farxad ,naxdin iyo murugo wayn weeye runtii hadana waa qoraal Ilaahay oo ay waajiib tahay in lagu samro.

Aroos Loo Mashxaradiyo
Meyd Lagu Baroortaa
Muska Reerka Wadayaal
Iyagoo Mataanaa
Isla Maalin Galinkeed.


Waxaan asxaabta uga mahadcelinayaa siday noo garab taagnaayeen labadii munaasibadood ba.Maalmo khayr leh ayaa fooda innagu soo haya ee Raxmaanku ha u naxariisto walaashay Hudda iyo dhamaan dadka islaamka ah.

Macalin Xamse Dubad