-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

Waa Maxay Siigo?

 


Isticmaalka awoodda gacanta oo uu qofku biyaha si xoog ahi iskaga keeno, isagoo xoq-xoqaya oo salaaxaya xubinta taranka (Lab & Dheddig). Siyaabooyin kala duwan ayaa loo sameeyaa maadada siigaysiga, taasoo ujeeddada xaqiiqiga ahi tahay in qofku biyabaxo oo uu dareemo waxoogaa raaxo kumeel gaadh ah, kacsi badan oo hayey owgeed.

Dhallinyarada qaabab kala duwan ayey u adeegsadaan raadinta raaxadaas, waxaa kamida: In ninka uu helo naag uusan la samayn galmo oo u nuugta xubintiisa, ama isagu uu isku sameeyo isagoo xoqxoqaya oo salaaxaya xubintiisa, isagoo adeegsanaya candhuuf, shaamboo iyo dhammaan waxyaallaha dufan ka leh, sida kareemada iyo saliidda. Dumarku waxay aalaa iyagu isticmaalaan farahooda iyagoo farfareenaya xubintooda, sidoo kale aallado kale duwan ayay isticmaalaan sida: Xubinta ninka oo Artificial ah, (Sex Toy) iyo qaybaha kala duwan ee khudaarta sida mooska, liinta iyo IWM

Maxaa Loo Siigaystaa?

Kacsi Badan:

Qofku marka uu kacsado oo dareen galmo oo degdeg ahi qabato, xaasna uu lahayn, waxay ku khasabtaa inuu siigaysto.

Cabsida Zinnada:

Dadyow badan ayaa xilligay isku qabato mid uun inay sameeyaan, in ay sinnaystaan ama in ay siigaystaan; waxay door bidaan siigada.

Dhaqan Balwo:

Qaar iyagu way qabatimeen oo balwad ayey u noqotay, kacsi iyo kacsi la’aan waa kuwii sameeya, maba joogi karaan oo maba noolaan karaan hadaysan samayn.

Faa’iidada Siigaysiga?

  • Waxey qofka ka ilaalisaa inuu ku dhaco zino
  • Waxey qofka ka caawisaa inuu dejiyo dareemadiisa oo u raaxeeyo
  • Waxey qofka ka difaacdaa saamaynta wayn ee shahwadu ku yeelan karto caafimaadkiisa
  • Qarash yaraan, Uur la’i, ceeb la’i iyo

         Tijaabada ruuxu inuu biyo leeyahay.

Faa’iido Darrada Siigaysiga?

  1. Wajiga Koobaad
    1. Maskax qalal iyo Maan xidhan
    1. Xifdi la’aan iyo Faham yari
    1. Xawliga dhiiga oo daciifa
    1. Xubinta taranka oo jilicda
    1. Aragtida oo tamar daraysa
    1. Miisaanka jidhka oo is dhima
    1. Taahid iyo Gariir badan
    1. Dulqaad iyo Firfircooni yari
    1. Faalig iyo Qalal dhanka jidhka
    1. Hurdo badni iyo muuqaal xumo
    1. Maahsanaan iyo Jiljileec badaan
    1. Xiniinyaha oo barara oo cuslaada
    1. Himmada rabbaaniga oo yaraata
    1. Cuncun iyo Is xoqid badan
    1. Shakki badan iyo Cabsi caafimaad
    1. Murugo iyo Qowmamo badan
    1. Iyo qofku horay inuu u guursan waayo
  2. Wajiga Labaad
    1. Dhabar xanuun badan iyo kelyo xanuun saamayn wayn yeesha
    1. Nafaqada timaha oo dhammaata kadib daata
    1. Kacsi la’aan iyo biyo-bax degdeg ah
    1. Inay biyuhu (Manidu) soo dareeraan iyadoo kacsi aanay jirin “Semen leakage”
    1. Hab dhiska maskaxda oo khalkhala iyo xididdada oo hawlgaba
    1. Dhibaato lagala kulmo joojinteeda.

2- Wajiga Labaad

  • Haddii uu shakhsigu caadaystay inuu gacantiisa ku biya-baxo oo sidaas raaxo ku helo, haduu joojin waayo waxay sababtaa, kolkuu guursado in gacanta xabiibtiisa ee jidhkiisa salaaxaysa ku kacsan waayo, ama ka heli waayo mid u dhigma kacsigiisii gacanta.
  • Siigadu ma buuxin karto xattaa lama tartami karto galmada, maxaa yeelay, waxa keliya ee shaqaynaya waa gacanta iyo xubinta oo maskaxda farriin ka helaya, laakiin galmada waxaa si isku mida oo wadajira u shaqeeya hab dhismeed ka jidhka, hab dhismeed ka dareemada iyo hab dhismeed ka neerfayaasha oo farriin ka helaya maskaxda iyo murqaha. Xattaa si fudud oo mandaq ah oo la fahmi karo, halka guurku uu ka leeyahay istiimin iyo salaaxis, ama dhunkasho iyo hadalo macmacaan, siigadu maleh.
  • Eegga qofku siigaysanayo wuxuu dareemaa raaxo aan u bixiyey (Raaxo Kumeel gaadh) oo soconaysa qadar xaddidan (1-2) daqiiqo, hadhowna qofku wuu ka qowmameeyaa, wuxuu na ku fekeraa waxyaallo kale oo naftiisa dhibaato u keeni kara.
  • Xilliga guurka iyo galmada, eegga ninku u tago naagtiisa biyaha ma ceshan karo oo durba wuu biyo-baxaa, wuxuuna ku biyo-baxaa qadar ka yar qadarka qofka caafimaad ka qabaa

ku biyo-bixi karo (5-8) daqiiqo, inta badan qofkaasi wuxuu ku biyo-baxaa inta u dhaxaysa (5-1) daqiiqo. Taasina, si degdeg ah waxay u sababtaa in haweentii ay qaado dareen ah niyad-jab iyo rajo-beel, kolka aynigeed ay la sheekeysatana waxayba sii qaadaa welwel iyo walaac; aakhirkana gurigaasi waa dumaa oo waliba ceeb ayaa lagu kala tagaa.

  • Qofka samaynaya siigada, eegga uu kacsado qalbigiisa ma joogo oo hawo sare ayuu ka fekarayaa, markuu dhammaysto howshiisa ayuu ogaadaa waxa uu sameeyey iyo fool xumida ay leedahay, kolkaas buu xusuustaa dembigeeda aakhiro iyo adduun, kadib ayuu isla hadlaa oo arkaa doqonnimadiisa inuu keligii isku raaxeeyey, maxaa ka nacasnimo badan in aad adigu isku galmootay oo isku raaxaysay?
  • Dhallinyaro badan waxay aaminsan yihiin in xubinta taran ka ay ku weynaato, cilmi baadhis iyo daraasado lagu sameeyey waxey xaqiijiyeen inuu ku yaraado dhumuc iyo dhererba oo waliba aad u jilco.
  • Dhibaatooyin ka siigadu u keento xubinta taranka ninka waxaa kamida kolka haweenta uu u tago oo galmo uu la sameeyo, howshii oo socota inuu iska damo, ama xilliga biyaha uu tuuri lahaa hawlgabo; ciniinnimadaasi waxay caloolyow ku beertaa haweenta oo runtii aad iyo aad uga xanaaqda oo xattaa daraasaddu sheegaysaa inay ka qaadi karto waali.
  • Qaar badan oo dhallinta ah cabsidaas owgeed waxay isticmaalaan kiniino habeen ka ay xaasaskooda u galmoonayaan, kaasoo ay iskaga dhigaan inay caafimaad qabaan oo dherer iyo dhumuc fiican leeyahay xubintoodu, in kastoo khiyaanadaas haatan la fahmay oo la ogaan karo si fudud haddana, in badan way ku soo caano maaleen, Daraasaddu waxay sidoo kale cadeenaysaa in kiniinadaas oo uu ugu horreeyo Feegada, dhibaatooyin hor leh oo caafimaad ka dareemada iyo neerfayaasha mooyaanee, dheeftiisu kumeel gaadh tahay. Aragtidaas si cilmiyyan ah ayaa maadada caafimaadka loogu cadeeyey.

 Jooji Siigada

Talada Koowaad:

Waxaan kula talinayaa dhallinta marka hore inay akhristaan oo ay fahmaan cilmibaadhis yada iyo daraasadaha kala duwan ee maadadan laga suubiyey, waliba waa inay si wanaagsan u dhuuxaan nuxurka, xikmadda iyo murtida, dabadeed ay xisaab la galaan nafahooda, iyagoo runtau sheegaya oo fahamsiinaya duruuftooda & dareen kooda. Talada Labaad:

Waalidiinta Soomaaliyeed ee qiimaha badan waxaan ka codsanayaa inay dhallinyarta u fudaydiyaan inay degdeg u guursadaan, guurkana ka dhigaan mid guul ah oo la fahmi karo oo la jaanqaadi kara duruufta nololeed ee waayaha iyo garaadkooda. 5000 oo Dollar oo ilmahaaga jaamacad kaga bixiso asagoo la nool kacsi badan, oo sinno ama siigo inuu ku dhaco khatar ugu jira, waxaa ka khayr badan adoo intaas ugu guuriya.

Talada Saddexaad:

Ciddii aan awoodin inay guursadaan waxaan kula talinayaa inay awooddooda ku bixiyaan meelo kale oon ahayn Siigada. Waxaan dhallinta ka codsanayaa inay akhristaan maqaallada afarta qormo ka kooban een ugu magac-daray “Aragtida Doobnimada iyo Aragtida Guurka” siiba qormada saddexaad oon uga hadlay habab ka kala duwan ee awoodda loo xakamayn karo.  Gunanad . tallo walal nimo hadaba hadad hada samyso arintas aan kor kuso xusni aad samayso hada iska daa oo iska xir bab kas shilaay mareyo ee waa danbeya illahey isku xir oo illahy bari kana dherow wax yahaba aad kuso xasuusato sida filimanta qaa qawan iyo waxi lamid ah  mahadsanidin..

Post a Comment

Post a Comment