-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

Waa Maxay Biyo Baxa Deg Dega?

 


Biyo-baxa degdega ah oo afka caafimaad ka loogu yeedho * Premature Ejaculation*, waa xaalad dhibaato badan oo lasoo gudboonaata bulshada kol kay galmo sameenayaan. In kastoo qiyaasta muddada lagu kala duwan yahay, bal se, si cilmiyeysan waxaa lays ku raacsan yahay, qof ka oo biya baxa kahor wakhtiga saxda ah 5 – 7 daqiiqo, biya baxana labo daqiiqo iyo wixii ka yar (Hal daqiiqo ilaa badhkeed). Xanuun kani, wuxuu tilmaamaa awood darrida shakhsiga ee uusan lahayn awoodda uu ku xajisan karo biyaha (Manida); taasoo sababaysa in goor hore ay biyuhu ka yimaadaan. Xaqiiqdii, wuxuu leeyahay heerar kala duwan dhan ka muddada; iyo saamayn kala geddisan oo idayl keed ku soo aruuraysa caafimaad xumo. Ragga iyo dumar ka, labada ba, xanuun kani wuu haleelaa, balse ragga ayaa u badan 80%.            

                                                  Sababaha Dhaliya?

Eeggii si wanaagsan oo caafimaad qabta loo daraasadeeyo xanuun kan, si fudud oo degdega waxaad ogaanaysaa, xanuun bulsho inuu yahay. Dhallinyarta badan kood waa hubaal inaysan sheegan oo waalid kood kala tashan cudur kan, iyagoo dareen san dareen cabsi iyo ceeb isugu jira, taasoo ay u maleenayaan sheegista waxan oo kale oo waalid ka lagala hadlo ceeb inay tahay; iyo cabsi ay ka qabaan dareen celin tooda.

Xaqiiqo weeye, wax kasta oo aadanaha ku dhaca inay leeyihiin waxyaalo sababa iyo habab waxyaalahaas loo daawayn karo. Haddaba, dhibaatadan oo maalin ba maalin ka dib ku baahaysa da’deenna soo koreysa, (Qoraa ahaan, waxaan qabaa aragti odhanaysa, haddii si fiican looga wacyi gelin waayo bulshadeenna khatar ta xanuun kan, waa hubaal jiil keenna iyo kuwa soo socda inay la noolaan doonaan nolol ku suntan dhalmo yari guud iyo dhibaato bulsho) waa waajib diineed iyo mid dhaqammeed inaan uga digno da’deenna ku nool hanaan ka cusub ee dunida iyo duniyeynta. Haddaba, hubaashii, muhiim weeye inaan ogaanno sababaha waaweyn ee dhaliya cudur kan, dhibaatada badan dhallinta ku haya. FG: Sababuhu intan oo kaliya maahan, laakiin se, waa intii ugu muhiim sanayd, mid walba iyo siday u sababto ama saamayn ugu leedahay xanuun kan, kama hadli doono.

Siigada: Mowduucan oo horay maqaal madaxbannaan uga diyaariyey oo waliba ku faafiyey degalada Soomaalida; waxay culimada caafimaad ku isku raacsan yihiin, inuu yahay qodob ka ugu weyn ee shaki la’aan ay rumaysan yihiin inuu sababo, biyo-baxa degdega.

Xanuuno: Waxaa jira xanuuno kala duwan oo keenaya cudur kaas. Sida, xanuun ka loo yaqaan baabasiirta, qanjidh xanuun ka *Thyroid Gland*, xanuun ku dhaca xiniin yaha *Prostate Infective Diseases*, xanuun ku dhaca kaadi hays ta, xanuun ku dhaca murqaha jidh ka, xanuun ku dhaca kelyaha, xanuun ku dhaca neerfayaasha, xanuun ka loo yaqaan sonkorowga, intaas iyo in kale ba way sababaan biyo baxa degdega. Sidoo kale, waxaa jira xanuuno loo yaqaan, dhibaatooyin ka nafsaaniga * Psychological factors * oo sababa xanuun kan, culimada caafimaad ku aad iyo aad ayey uga hadlaan canaasiirtan.

Sigaarka: Balwadda sigaar jiididu waxay kamid tahay waxyaalaha ay inta badan culimada caafimaad ku dood aysan ka keenin, in xubin firfircoon ka qaadan karto keenis ta biyobax degdeg ah. Wuxuu sababaa in unugyada qaada dhiigga aad iyo aad u yar yaraadaan “cells become smaller due to smoking”; islamarkaana keenaan natiijo ah, dhiiggu inuu aad u shaqan waayo oo wareegiisu yaraado Poor blood circulation.

Qaadka: Arrintan waxay kamid tahay canaasirta waaweyn ee biyo-baxa degdega curiya. Waxey nu ognahay in qaad ka ay ku jiraan maadooyin aad u badan, kuwaasoo qaar kood mukhadaaraad halis gelin kara caafimaad ka qof ka ay yihiin Drug addictive. Qof ka qaad ka cuna hammiga uu u hayo in uu xaas kiisa galmo la sameeyo aad buu u sarreeyaa * High capulation drive *. Balse, kol ka xaqiiqada loo dhowaado, wax ka yar labo ama hal daqiiqo ayuu ku biyo baxayaa * Early discharge*.

Xumaha: Daawashada aflaam ta jinsiga ee galmada *Sex

Blue Films* iyo in sawirada qaaqaawan ee dumar ka la fiirsado, iyo nooc walba oo xumaan ah, waxey sababaan biyobax degdeg ah.

Daawaynta Xanuunka?

Xanuun walba oo bani-aadam ku dhaca, waajib weeye in daawo uu leeyahay. Sida diin teenu inoo sheegtey, Allaah SWT kol kuu cudur walba abuurayey daawadiisa waa la soo raaciyey, bani-aadam ku ha gartaan ama ha garan waayaan. Akhriste, waxaan filayaa inaad i weydiinayso, waydiin maskaxdaada ku jirta oo odhanaysa, tolow xanuun kan weyn ee dhibaatada badan leh lagana dhawaajinayo, daawo ma leeyahay. Haa, daawo wanaagsan wuu leeyahay.

Hawsha galmadu waxay u baahan tahay saddex waxyaalood, taasoo la’aan teed si wayn aan u rumay sanahay hawlgab weyn inuu jiro, waxay na kala yihiin: Rabitaan * Lipido*, Kacsi Arousal* iyo biyo-bax *Orgasm*. Haddii saddex daas mid kamida la waayo, xaaladu ma fududa. Sida horey aan ku soo xusay, celcelis ka wakhtiga uu qof ka caadiga ahi ku biyo-bixi karo waa 5-7 *Normal Orgasm*. Kol ka laga hadlayo qeexida biyo-baxa degdega, waxa jirta aragti lagu khaldamo oo tamar daran oo odhanaysa, haddii uu qof ku biyo baxo kahor xaas kiisa, wuxuu la nool yahay cudur kaas. Haba yaraatee, wax ka jira aragtidaas ma jirto, cilmiyyan ayaa loo cadeeyey khuraafadaas.

Biyo-baxa waxaa loo qaybiyaa labo marxaladood oo kala ah, marxaladda saarista biyaha *Emission* iyo marxaladda gamista biyaha *Expulsion*, taasoo ah, wixii ka dambeeya xaaladda hore. Biyo-baxa degdega hadduu qof ku isku arko isagoo awal wanaagsanaa oo fiicnaa, kadib guur kiisa, waxaa loo yaqaan *Secondary Premature Ejaculation*, haddii uu qabay ilaa qaangaadh kiisii, ka hor guur kiisa, waxaa loo yaqaan *Primary Premature Ejaculation*. Sidaa owgeed, waxay ku kala duwan yihiin habab ka daaweyn ta – mid walbaa si gaara ayaa loo daweeyaa. Sababaha sababa xanuun kan way badan yihiin, intaas aan calaamadiyey iyo in kale ba way jiraan, mar ka shakhsiga la daweenayo waxaa waajiba in warbixin guud iyo mid gaara laga helo, taasoo noloshiisa gaar ka ah si dhaba u saameenaysa; si loo ogaado xaqiiqada sababtay maadadan; iyo daawadeeda saxda ah.

Shaki iyo mugdi waxaan ku jirin in dumar ku aad iyo aad ay u neceb yihiin niman ka leh xanuun kan; kuwa la nool ragga la il daran maadadan ay ifka ku karaahiyeys taan oo ay ka jecel yihiin la joogooda inay dhintaan, waayo? Xaqeedii ma gudi karaan oo mar walba oo isku day ay sameeyaan, way ku fashil mayaan si degdega. Sababtaas, rag badan waxay ku waayeen xaasas kii ay jeclaayeen, iyagoo furay. Kuwo wali aan guursanin waxay la nool yihiin baq dintaas. Maqaal kaas aan ku baahiyey shabakada macluumaad ka xifdisa ee loo yaqaan Wikipedia, faafin tiisii kadib, in ka badan 150 qof ayaa ila soo xidhidhey, gude iyo debad ba, dhammaan tood waxey ka cabanayeen cudur kan qarsoon ee dilaaga ah. Waa sababta ugu weyn inaan mar labaad dib u qoro oo mareeg tooyin ka ugu faafiyo.

Waydiinta labaad ayaa ah akhriste, habsami socod ka shaqada maalmeed ee qof ka iyo mustaqbal nololeed kiisu saamayn wayn oo diidmo ah ma ku yeelan kartaa, haduu qabo cudur kan? Haa, ayaan qabaa, xaqiiqdii, way ku yeelanaysaa, haduusan iska daawayn wuxuu ku noolaan doonaa nolol aan dhaamin ta xayawaan ka, hadaysan ba ka hoosaynin. Way adag tahay dhallinyarta ka murugoonaysa xanuun kan inay cusbitaalada tagaan ama ay la kulmaan dhakhaatiir ta ku talax tagey cilmigan. Waxey na inbadan ku andacoodaan in laga fiican yahay tegis ta cusbitaal iyo la kulan ka dhakhtar; laakiin se, in badan oo iyaga kamida ayaa haatan fahmey sirta qarsoon kuna dhiirradey inay booqdaan cusbitaallada iyo inay u xog warramaan dhakhaatiir ta. Dad ka qaar oo ka aaminsanaa inuu daawo lahayn ama u arkayey ceeb *Wax laga xishoodo* ka hadal kiisu, hadda sidaas uma arkaan.

Sidaan horey u sheegey, cudur walba daawo ayuu leeyahay. Sidoo kale, waxay nu sheegney in daawada dhabta ahi ee xanuun kan ay xidhiidh wanaagsan la leedahay in qof ku soo gudbiyo macluumo iyo xog dhaba oo la falgalaysa noloshiisa gaar ka ah. Haddaba, aan isku dayno qaar kamida daawayn ta oo si guud u xalinaysa dhibaatadan musiibada ah.

Jimicsi: Xal ka ugu weyn ee ilaayo eegga la xaqiijiyey waa jimicsiga. Kol ka aad leedahay waxaan ka cabanayaa biyo-bax; macneheedu, wuxuu ka dhigan yahay, waddooyin kii biyuhu *Manidu* ay soo marayeen ayaan lahayn isbaarooyin kii hakin lahaa. Sidaa owgeed, jimicsigu waa awoodda la hubo ee dib u hawl gelin karta unugyadii itaal darreeye; dib u soo noolay naysa isbaarooyin kii jilcay. Samee labada nooc ee jimicsiga, kan dabiiciga ee loo yaqaan *Natural Exericise*; iyo inaad birooyin qaad qaado *Body bilding/GYM*

Jooji: Walaal jooji dhammaan daawashada iyo dhegaysiga waxyaalaha   xun, sida: Aflaamta galmada ee jinsiga, daawashada sawirada xubnaha leh xasaasiyadda ee qaawan ee jinsiga, akhrinta maqaalada ka hadla arrimaha galmada – hadaad dareen dhowdahay, cunista qaad ka, jiididda sigaar ka, siigada, istiiminta jidh ka iyo dhammaan wax walba oo halis caafimaad leh.

CuntoCun cuntooyin ka nafaqada, faytamiin ka iyo duxda leh. Sida: Digirta, gallayda, hadhuudh ka, kalluun ka, hilib ka iyo IWM. Sidoo kale, sharaab yadan aad u badso, xulbada, caanaha, kuwa la shiido iyo IWM

BaadhitaanHaddii ay jiraan xanuuno sababi kara maadadan, iska baadh.

Farriinta Doobleyda

  • Walaal ka fagow dhammaan wax kasta oo xaaraam ah, cunideeda, cabideeda, dhegay sigeeda iyo daawashadeeda. Gaar ahaan, balwadaha xun xun ee qaad ka, sigaar ka, daawashada aflaamta galmada, daawashada sawirada xubnaha qaaqaawan ee aadamaha, istiiminta jidh ka bani-aadam ka iyo IWM.
  • Ku dadaal barashada diinta iyo funuun teeda kala geddisan, dhaqan ka iyo laamihiisa kala duwan. Wakhtigaaga inta badan ku lumi aqoon raadis, akhris badan, qoraal iyo wax kasta oo kaa mashquulin kara xume dhammaan tiis, wanaag na kuu horseedi kara.
  • Waxaan si gaara idin kaga digayaa cudur ka halis ta ah ee SIIGADA loo yaqaan, taasoo dhallinyartu ay aad u sameyso. Fadlan, akhriste, mar walba oo aad sameyso waa mar walba oo xanuun ka (Biyo baxa degdega) wehel la noqonaysid.

Farriinta Bukaanka

  • Kol ka ugu horreysa ee doob ka uu guursado, waxaa hubaala in dareen badan ay ka hayso mar uun inuu galmo sameeyo. Xilliga galmadu dhacayso maadaama uu ku cusub yahay, wuxuu unugyada ku cadaadinayaa asagoo awood feker iyo muruq isticmaalaya; inay degdeg u raaxo gutaan. Markaas, biyuhu si degdega ayay u soo baxayaan, xaaladaas oo kale looma yaqaano biyo – baxa degdega, waayo? Waa nooc gaar ahaaneed oo leh xilligeeda iyo xasaasiyaddeeda.
  • Dhibaatadaada ood qarsato waa daawadaada oo raagta. Sidaa owgeed, ku dadaal inaad amuurahaaga nololeed uga waran to dhakhaatiir ta magaalada iyo ciddii kale ee aqoon u leh; maqaallada iyo baadhis yada laga qoray na akhri, si wanaagsan u dhuux nuxur kooda iyo natiijadooda.
  • Hadaad xaas leedahay, muddo lix bilood ugu yaraan oo fasax ah ka qaado, dabadeed kala kaasho sidii ay kuugu dhiirri gelin lahayd inaan caafimaado. Daawooyin ka aan soo gudbiyey iyo kuwa kale ee dhakhtar ka, si hufan oo wanaagsan u kaalmeyso, siday isugu xigxigaanna u kala hormari. Muddadaas na cuntooyin wanaagsan oo nafaqo leh cun, nasasho fiicanna qaado. – Waxaad ogaataa walaal, cudur walba Allaah SWT ayaa keena, isagaana soo raaciyey daawadiisa. Wax aan daawo lahayn ma jiraan, haday cudur yihiin. Waxaad aamintaa cudurkan ku haya inuu kamid yahey, cudurada aadamaha ku dhaca, waxeyna taasi kaa caawinaysaa, maxkaxdaadu iney hesho farriin ah inaad xanuusantahey. Tan labaad, waxaad sidoo kale aamintaa, cudurkan inuu daawo leeyahey, waxey kaa caawineysaa, maxkaxdaadu fariin iney hesho taasoo, si wanaagsan u tibaaxaysa inaad mar uun caafimaad heli (Psychological treatment), hadii aad dadaasho, sababteedana la timaado. – Xaaskaaga markaad u galmooneyso kadib, dhameystirka daawada marxaladan ku haysata, waa inaad sifiican u fahamtaa, ama aad barataa aqoonta galmada, qaababka galmadu way kala duwanyihiin: kuwo haweynayda iney uur qaado ayay sahlaan; kuwo kale uurka ayay fogeeyaan; kuwo kale biyaha ayay soo dadajiyaan; kuwo kale biyaha ayay daahiyaan; markaa, buugaagta galmada ka hadla sifiican u akhri oo baro 40 – ka qaab ee galmada. Waayo? Qaabab aad u kala duwan ood adeegsato, waxay kaa caawinayaan raagitaan ka biyahaaga.

Markaad xaaskaaga u galmooneyso,

Post a Comment

Post a Comment