-->
Gy3ZRPV8SYZ53gDjSFGpi7ej1KCaPY791pMbjB9m
Bookmark

ila qosol ::Ar duqda sandheeraa, abkoow abkoow."

Xariifkoo ayaa taleefoon wuxuu u diray gabar ay saaxiibo yihiin gurigooda. Duqdoo gabadha ayeeydeed aa ka qabatay. Markuu salaamay kabacdi ayna u sheegtay in qoftii joogto ayuu waxuu ka codsaday inay u gudbiso. Duqdii iyadoon taleefonka meesha looga hadlo gacanta saarin ayey gabadhii oo dhow ku tiri, "Maandhey, iga qabo waa mid qamri kasoo ureyso ee."



Xariifkoo oo yaabsan markee gabadhii ka qabatey uu wuxuu ku salaamey

, "Ar duqda sandheeraa, abkoow abkoow."

___________________



gabar reer gobol aheyd qurbahana ku cusub ayaa mid dhalinyaro kale damcay in uu shukaansi ka gaarsiiyo. Markuu lamberkeed ka qaatey uu malintii danbe soo wacay. Wuxuuna ku dhahey, "Haye, abaayo, maxaa isku dhacaya? {what is up!}." Markaas ay waxee ku dhahdey, "Walaal waxba. Ma sharqan baad maqashey??



hahaha

___________________



Xariifkoo baadiye ku noolaan jiray aa maalin jimce eh masaajidka aaday, oona kusoo toosay oo wali ay khudbadii jimcaha socoto, wuxuu meel ka yara fog ku arkay nin ay is yaqaaneen oo isagana xariif kale oo reer baadiye ah kaasoo waliba aad u oynaayey oo fiq...fiq...fiq suu iskugu waday ka dhamaatay.



Markii salaada dhamaatay ayuu wuxuu u yimid ninkii ooynaayey isaga oo aad ula yaabanaa waxa uu ninkaa la ooynaayey sababtoo ah ninka af Carabiga ma uusan garaneynin oo si fiican bey isku yaqaaneen, khudbadana Carabi ee ku socotay.



Fiidoow: Ar Jimcaale, xaad la fiqleeynee, ma af Carbigaad taqaanaa?



Jimcaale: Aryaa shub iga dheh!



Fiidoow: Ii sheeg hee, shub waaba dhahayee.



Jimcaale: Aryaa wadaadka garkiisa ma u jeeday?



Fiidoow: Xawlahaay, gar dheeroow lahaaye.



Jimcaale: Aryaa garkiisa orgi shil hore iga lumoow u ekaay!

_______________



Post a Comment

Post a Comment